Isku-Aadka Kooxaha Ciyaaraha degmooyinka Galmudug oo la shaaciyey (Sawirro)

Ciyaaraha Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaflada Qorituurka Koobka dagmooyinka Galmudug Ayaa caawa Lagu Qabtay Gaalkacyo . Munaasibada Lagu Shaacinayay Waxaa Goob Joog Ahaa wasiir Ku Xigeena Wasarada ciyaaraha iyo Dhalinyarada Galmudug, maamulka Galkacyo, Maamulka Gobolka Mudug,  Kooxaha Ka Qayb galaya Koobka iyo Wasiiro Xildhibaano iyo Dhalinyarada

Sida dagmooyinka iskugu aadeen .

Group(A)
(1) Galkacyo

(2) Dhuusamareeb

(3) Balanbal

Group (B)

(1) Hobyo

(2) Cabudwaaq

(3) Cadaado

26 August waxaa garoonka ciyaaraha Cabdullaahi Ciise ka furmi doona ciyaaraha degmooyinka Galmudug, Waxaana lagu furi doonaa Galkacyo Vs Balanbal.

Tartankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey loo qabto degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug, Waxaana ujeedooyinka  loo qabanayo ugu muhiimsan is dhexgalka dhalinyarada. Shacabka ku nool Magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn isugu diyaariyey martigalinta koobkan.