Mauro Icardi ayaa saxaafada aad u soo jiitay habeenkii axada kadib markii uu dhaliyay seddexleey kulankii Inter Milan ay guusha 3-2 ah ka soo gaartay AC Milan.
Kooxda Inter Milan ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala horeynta horyaalka Serie A-da. Icardi ayaa furay goolasha daqiiqadii 28aad ee habeenka axada ka hor inta uusan Suso keenin goolka bareejada.
Gooldhaliyihii Inter ee xalay ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, laakiin goolkiisii ayaa mar kale waxaa kansalay Giacomo Bonaventura kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-2.
Icardi ayaa loo dhiibay fursad uu ku dhameysto seddexleydiisii, iyadoo ragga Spalletti rigoore muran ku jiro uu dhaliyay daqiiqadii 90aad, waxaana xiddiga reer Argentine goolka guusha u gacan galiyay koxdiisa.
Weeraryahankan ayaa soo koobiyeeyay dabaaldegi Lionel Messi uu ku soo bandhigay garoonka Real Madrid isagoo funaanadiisa ku siibay taageerayaasha hortooda islamarkaana tusay in uu labada gacan ku qabtaya.