Barcelona Oo Lasoo Saxiixanayso Thiago Alcantara

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Thiago Alcantara ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxdiisii hore ee Barcelona.

Intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2013, Thiago wuxuu ka soo baxay kooxda yaryarka islamarkaan ka mid noqday kooxda koowaad ee Camp Nou, isagoo ugu dambeyntii dhaliyay 11 gool 101 kulan oo uu u saftay Barca ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Don Balon, Barca iyo 26 jirkaan ayaa isha ku haya inay heshiis isla gaaraan marka uu suuqa kala iibsiga bisha Janaayo furmo, iyadoo kooxda reer Catalan ay lacag ku bixiso ka dib markii ay iibisay Neymar bishii August, Thiago ayaana doonaya inuu ka tago Bayern.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa loo arkaa bedelka Philippe Coutinho, iyadoo Liverpool ay sii wadi doonto inay sii wataan awooda xiddigooda, halka Thiago ay u badan tahay inuu lacag ka yar yahay ciyaaryahanka reer Brazil.

Si kastaba ha ahaatee, Bayern ayaa ku jirta boos adag, Thiago ayaa  8 kulan u saftay xilli ciyaareedkaan – isagoo qandaraas kula jira Allianz Arena ilaa 2021.