Sergio Aguero Oo Noqday Ciyaaryahanka Ugu Goolasha Badan Manchester City

Ciyaaraha

Sergio Aguero ayaa taariikhda sameeyay isagoo noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan Manchester City.

Xiddiga reer Argentine ayaa barbareeyay rikoorkii Eric Brook ee 78-sano u yaalay markii weeraryahanka uu dhaliyay 177 gool kulankii ay guusha 3-0 ah ka gaareen Burnley.

Aguero ayaa la filayay inuu sugo, lakiin ugu dambeyntii wuxuu qaatay goolkiisii 178aad ee uu ku noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan naadiga  kulankii Champions League ee ay wajaheen Napoli.

Goolka ayaa ahaa kii seddexaad ee uu dhaliyo kooxda Pep Guardiola habeenkan ka dib markii  Nicolas Otamendi iyo John Stones ay goolal dhaliyeen ciyaar  ku dhamaatay 4-2.

Aguero ayaa ka mid ahaa Kooxda City tan iyo markii uu 2011 kaga soo wareegay Atletico Madrid.