Chelsea Oo Wadahadalo Qandaraas Kordhin Ah Kula Jirta Charly Musonda

Ciyaaraha

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay wadahadal la bilowdo taasi oo ay ku doonayso inay heshiis cusub kula saxiixato Charly Musonda.

Ka dib markii uu ku soo qaatay khibrad kooxda koowaad ee Real Betis, ciyaaryahankii hore ee akademiyada Blues ayaa loo dallacsiiyay Stamford Bridge ka dib seddex kulan oo uu saftay tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan.

20 jirkaan ayaa labo sanno ka hartay qandaraaskiisa haatan, laakiin sida laga soo xigtay The London Evening Standard, Chelsea ayaa dooneysa inay sii wadato saxiixa xiddiga reer Belgium waqti dheer.

Iyadoo tababare Antonio Conte uu qorsheynayo inuu isticmaalo Musonda si uu u noqdo ciyaaryahan qadka dhexe ah, waxaa la soo jeediyay in Chelsea ay xiiseyneyso inay soo afjarto  kooxaha sida Manchester United iyo Arsenal, oo hore u muujiyay xiisaha uu u hayaan saxiixiisa.

Isbuucii lasoo dhaafay, Musonda ayaa goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay Chelsea kulankii ay 5-1 kaga badiyeen Nottingham Forest ee EFL Cup.

W/Q Hafsa haji