Mauro Icardi Oo Meelna Uga Socon Inter Milan

Ciyaaraha

MILAN, ITALY - MAY 07:  Mauro Icardi of FC Internazionale Milano celebrates after scoring the opening goal during the Serie A match between FC Internazionale Milano and Empoli FC  at Stadio Giuseppe Meazza on May 7, 2016 in Milan, Italy.  (Photo by Valerio Pennicino/Getty Images)

Tababaraha cusub ee Inter Milan Frank de Boer ayaa sheegay in Mauro Icardi aan la iibin doono xagaagan.

23-sano jirka reer  Argentine ayaa captain u ah kooxda ka dhisan Serie A, waxaana  si xoogan loola xiriirinaayey  Arsenal iyo Napoli  dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Waxay dhawaan sheegtay saxaafadda Talyaaniga in Arsenal diyaar u yihiin in ay bixiyaan £ 29m oo lagu daray Weeraryahanka Olivier Giroud si ay u helaan adeega Icardi .

Si kastaba ha ahaatee, De Boer oo loo magacaabay bedelka Roberto Mancini ayaa heshiis seddex sanno u saxiixay maanta, ayaa sheegtay in kabtanka uu meelna u socon.

Icardi ayaa kooxda  Sampdoria kaga soo biiray Inter sanadkii 2013.

Comments are closed.