Real Madrid Oo Xaqiijisay in Sergio Ramos Uu Sanka Ka Jabay

Ciyaaraha

Real Madrid ayaa xaqiijisay in Sergio Ramos uu sanka ka jabay kulankii La Liga ee ay la ciyaarayeen Atletico Madrid.

Kabtanka kooxda ayaa la bedelay qeybtii hore ee barbaraha goolal la’aanta ee Wanda Metropolitano oo labada dhinacba 10 dhibcood ka danbeeyay Barcelona.

Ramos ayaa si kama’ ah waxaa ugu dhacay  Lucas Hernandez qeybtii hore, waxaana sanka kasoo gaaray dhaawac shaqaalaha caafimaadka ayaa durbaba u yimid , Nacho Fernandez ayaana booskiisa qaatay.

“Ka dib markii baaritaano lagu sameeyay Sergio Ramos kooxda Real Madrid Sanitas, waxaa lagu arkay sanka oo jaban,” Madrid ayaa sidaasi ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Ramos, ayaa sidoo kale sawirada la wadaagay saxiibadiisa Twitter-ka waxaana la filayaa inuu seego kulanka Champions League ee APOEL Nicosia Talaadada.