Home > Wararka Maanta > Masuuliyiin katirsan Hirshabeele oo doon kula rogmatay xaafadaha fatahaaduhu saameeyeen ee Beledwayne

Masuuliyiin katirsan Hirshabeele oo doon kula rogmatay xaafadaha fatahaaduhu saameeyeen ee Beledwayne

Wararka Maanta

 

Sida wararku sheegayaan doontan oo ay saarnaayeen 20 ruux ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo dad kale.

Wararka ayaa sheegaya inay bad qabaan Duqa magaalada Beledweyne Safiyo iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, hase ahaatee waxaa jira dad kale oo la la’yahay iyo qaar markii doonta qalibantay inta ay dabaasheen dul saaran yihiin geeedaha iyo guryaha dushooda.

Dadka la la’yahay ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ciidamo ilaalinayay oo doonta la saarnaa.

Fatahaadaha uu sameeyay Wabiga Shabelle ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xaafadaha magaalada, oo ay biyo badan gudaha u soo galeen, kana barakaceen kumanaan qoysas, waxaana xaafadaha Beledweyne iyo Wabiga ay noqdeen kuwo isku darsamay.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!