Maxay Ergadii Beesha Sacad kala kulmeen Madaxweynaha Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa shalay galinkii hore gaaray Magaaalada Dhuusamareeb caasimadda dowlad goboleedka Galmudug Wafdi ka socday beesha Sacad, wafdigaas ayaa ka ambabaxay magaalada Cadaado, waxa ayna u tageen halkaasi si ay Madaxda Galmudug ugala hadlaan tabashada beesha Saleebaan.

Kulankii ugu horeeyey ayey la yeesheen Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, iyagoo dood dheer kadib shirkoodii ku soo idlaaday natiijo la’aan, Madaxweyne Xaaf ayaa ka biyo diiday in dastuurka Galmudug lagu qoro in Magaalada laga dhigo xarunta Barlamaanka Galmudug, isagoo ku andacooday in hadii barlamaanka fadhi looga dhigo Cadaado ay suurtagal tahay in xildhibaanadu xilka ka qaadaan, sidii kol hore dhacday.

Ergada ayaa intaa kadib kulamo la qaatay Madaxda Ahlu sunna, waxaana waqti badan kadib sidoo kale cadeeyeen in aysan waxba ka qaban karin arintaas. Maanta ayaa la filayaa in ay markale dib isugu laabtaan Ergada iyo Madaxweyne Xaaf. waxaana laga dhursugayaa natiijada kasoo baxda kulankaas.

Galmudug ayaa wajaheysa khilaaf xooggan, iyadoo beelaha Saleebaan, Dir iyo Mareexaan ay diidan yihiin waxa ka socda Caasimadda Dhuusamareeb, Waxaana suuragal ah haddii waan waantaan ay fashilanto in Cadaado looga dhawaaqo Galmudug cusub, taas oo fogeyn karta rajada midnimada Galmudug.