Shiikh Shaakir oo Dhuusamareeb ku qaabilay saraakiil katirsan Amisom

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Cali Xasan uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukumada Galmudug ayaa saraakisha AMISOM kala hadlay sugida ammaanka deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan caasimada Dhuusamareeb oo mudooyinkaan dambe ay ka taagneyd xiisad u dhexaysa ciidamada dowlada federalka Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Madaxa xukuumada galmudug Sheekh Shaakir ayaa saraakiisha AMISOM ka dalbaday in aysan ku lug yeelan Arrimaha Siyaasada ee ay isku hayaan Sheekh Shaakir iyo Dowlada Soomaaliya sida ay saxaafada u sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug.

Saraakiisha AMISOM ee kulankan ka qeybgashay waxaa hogaaminayay isku xiraha AMISOM iyo Maamulka Galmudug Kabtan Cabdulaahi Sheekh Xuseen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gaarayay magaalada Dhuusamareeb ciidamada sida gaarka ah u tababaranee Komandosta iyadoo lagu wado inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ra’iisul wasaaraha xukuumada federalka Xasan Cali Kheyre.

Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa Dhuusamareeb Saldhig ka samaystay 31 AUG 2019, waxa ayna saldhiga ugu weyn ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur.