Abshir Bukhaari oo ku guuleystay kursiga Beesha Saleebaan (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

fb_img_1476519239278

fb_img_1476523559908 fb_img_1476523569217 fb_img_1476519479057 fb_img_1476519485522 fb_img_1476519236289

Musharax Xildhibaan aqalka sare Abshir Axmed Maxamed Bukhaari ayaa 47 cod ku guuleystay kursigii beesha Saleebaan habargidir, waxaan kula tartamayey labada musharax Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor oo helay 24 cod, halka musharax Kamaal Daahir Xasan oo helay 16 cod, hal cod wuu halaabay.

Waa xildhibaankii ugu horeeyey Soomaaliya oo idil ee ku guuleystay kuraasta aqalka sare, Abshir Bukhaari waa ganacsadaha leh idaacadaha Goobjoog iyo Gool Fm, wuxuu kaloo soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya xiligii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

21 thoughts on “Abshir Bukhaari oo ku guuleystay kursiga Beesha Saleebaan (Sawirro)

Comments are closed.