Mareykanka oo ka hadlay Weerarada Burcadbadeeda

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Xoghayaha arrimaha difaaca Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in weerarada burcad badeeda ay dib ugu soo noqdeen gacanka cadan iyo biyaha soomaaliya bilihii ugu dambeeyay.

Waxa uu sheegay in ugu yaraan lix maraakiibta ganacsiga lagu af dhuubtay ama lagu weeraray waqooyiga  biyaha soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkaan.

Xoghayaha ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay dalka aan dariska nahay ee jabuuti,halkaasi uu Maraykanku ka habaysanaayo saldhig military oo joogto ah .

Waxa uu intaa ku daray  in ay yaraayeen weerarada ay Gaystaan kooxda burcad badeeda shanti sano  ee ugu danbaysay ka dib markii ay ka hortageen weeraradaa ciidamo caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeeda iyo shirkaddo gaar loo leeyahay.

General Thomas Waldhauser oo madax ka ah taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa ku  sababeeyay in  ay kooxaha burcad badeeda ay dib ugu soo noqdeen weeraradoo in ay tahay abaarta daran ee ka jirto soomaaliya iyo doonyo kallumaysi oo si sharci darro ah ugu kallumaysto biyaha soomaaliya

Kooxaha burcad badeeda soomalida ayaa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay waxa ay weeraro ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayay biyaha gacanka cadan.