Jadwalka Doorashada Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya

Wararka Maanta

JADWALKA DOORASHADA GUDDOONKA Golaha Shacabka BJFS BFS

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee BFS wuxuu maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo noqon doona sida hoos ku xusan:-

  1. Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.
  2. Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Shacabka BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.
  3. Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS 25 April, 2022.
  4. Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 27 April, 2022.

JADWALKA DOORASHADA GUDDOONKA AQALKA SARE BFS

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee BFS wuxuu maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo noqon doona sida hoos ku xusan:-

  1. Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.
  2. Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Aqalka Sare BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.
  3. Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS 25 April, 2022.
  4. Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 26 April, 2022.