Tiro ka tirsan Ciidanka Booliska Somalia oo Xabsi loo taxaabay

Wararka Maanta

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ballaaran ee ka soconaya Magaalada Muqdisho,kuwaasoo lagula dagaallamaayo falal Amni darada ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo musuq maasuqa.

Zakiya Xuseen Axmed Taliye Ku Xigeenka ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in howlgallo ballaaran ay socdaan, islamarkaana la xiray 23 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Waxaa ay sheegtay in dadka la xiray lagu soo eedeeyay falal la xariira Musuq maasuq, islamarkaana dhawaan Caddaaladda la horkeeni doono.

Waxaa ay ugu baaqday bulshadda Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka ee dalka si loo xaqiijiyo Ammaanka