Manchester United Oo Xiiseyneysa Daafaca Arsenal Hector Bellerin

Ciyaaraha

Daafaca Arsenal Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay Manchester United.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Beller ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Emirates Stadium, waxaana Juventus ay diyaar u tahay inay si rasmi ah ugu dhaqaaqdo daafaca midig.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Manchester Evening News, United ayaa codsatay in si joogta ah loo sii wado wixii horumar ah ee ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka reer Spain.

Beller ayaa weli heysta shan sano oo qandaraaskiisa uu kula joogo Gunners, laakiin kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa laga yaabaa inay iska iibiso hadii koox ay diyaar u tahay inay qadariyaan qiimahooda.

United ayaa heysata daafacyao midig, lakiin Antonio Valencia ayaa 33 jir noqon doona xagaaga, Ashley Young ayaa loo arkaa inuu yahay xubin muhiim u ah kooxda, Matteo Darmian ayaana laga yaabaa inuu dhaqaaqo ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka soo socda.