Juventus Oo La kulantay Wakiilka Anthony Martial

Ciyaaraha

Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay Juventus.

Martial wuxuu haatan ku dhow yahay dhamaadka xilli ciyaareedkiisii seddexaad ee Old Trafford, iyadoo 36 gool uu ka dhaliyey 96 kulan uu ku soo bilowday iyo 34 kulan uu badal ku soo galay tartamada oo dhan.

Xiddiga reer France ayaa soo jiitay bilihii u danbeysay, laakiin qaab ciyaareedka 22 jirkaan ayaa u muuqda mid xiiso u leh kooxaha kale ee kubadda cagta ee Yurub.

Sida laga soo xigtay Premium Sport, wakiilada Martial ayaa la kulmay gudoomiye ku xigeenka Juventus Pavel Nedved iyagoo kawada hadlay mustaqbalka ciyaaryahanka .

Martiala ayaa kaliya hal sanno ka hartay qandaraaskiisa, laakiin United ayaa fursad u heysta inay sii dheereysato 12ka bilood oo dheeraadka ah, taasoo  macnaheedu yahay in weeraryahanka uu ku xiran yahay United ilaa 2020ka.