Anthony Martial Oo Ku Soo Laabtay Xulka France

Ciyaaraha

Anthony Martial ayaa looga yeeray xulka France markii ugu horeysay tan iyo bishii October ee sanadkii 2016.

21-sano jirkaan ayaa ka faa’iideystay hogaaminta tababaraha xulka France Didier Deschamps, laakiin qaab ciyaareedkiisa Manchester United ee xilli ciyaareedkan ayaa u muuqday inuu ku laabtay sidiisii hore.

weeraryahankan ayaa afar gool ka dhaliyay sagaal kulan Premier League uu u saftay United xilli ciyaareedkan, halka uu sidoo kale hal gool ka dhaliyay Champions League.

Xiddiga Faransiiska  oo 15 kulan u saftay xulkiisa ayaa ku soo laabtay wadankiisa muddo sannad ah, laakiin wuxuu u muuqdaa inuu ka ciyaari karo kulamada saaxiibtinimo ee Wales iyo Germany, kaasoo dhici doona 10ka November iyo 14ka bisha November.

sedexda ciyaaryahan ee Arsenal Laurent Koscielny, Alexandre Lacazette iyo Olivier Giroud ayaa sidoo kale lagu soo daray, halka markii ugu horeysay  looga yeeray ciyaaryahanka qadka dhexe ee Sevilla Steven N’Zonzi iyo daafaca kooxda Stuttgart Benjamin Pavard.