Manchester City Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Wilfried Zaha

Ciyaaraha

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha.

Zaha oo qaab ciyaareedkiisii ​​dhowaan ka caawinayo Palace in ay soo fariisato booska 14aad, iyadoo weeraryahanka uu dhaliyay afar gool islamarkaana uu caawiyay seddex  12kii kulan ee ugu danbeysay.

25 jirkaan ayaa sidoo kale ka soo muuqday xilli ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa abid, isagoo 7 gool dhaliyey islamarkaana uu dhigay 11 kale, isagoo dib ugu soo laabtay dalabyada qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn England.

Zaha ayaa horey ugu soo ciyaaray Manchester United, isagoo ku guuldareystay inuu hal kulan oo Premier League ah u ciyaaro kooxda i labo sano oo uu joogay Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, The Mirror ayaa sheegeysa in City ay ka fekereyso in xiddiga reer Ivory Coast uu dib ugu soo laabto Manchester si uu uga bedelo Alexis Sanchez  hadii ay waayaan.

Sanchez ayaa muddo dheer lala xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo City, waxaana uu diyaar u yahay inuu si xor ah ugu biiro dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa la filayaa inay wajaheyso tartan adag oo ay ka imaanaya Paris Saint-Germain.

Taasi waxay ku qasabtay inay soo jiitaan dalabka Zaha ee suurtogalka ah, inkastoo Chelsea iyo Arsenal ay sidoo kale u muuqdaan inay xiiseynayaan xiddiga garabka ka ciyaara, kaasoo keliya saxiixay heshiis shan sanno ah oo uu ku sii joogayo Selhurst Park bisha May.