Abaar ba’an oo ka jirta Galinsoor iyo biyo dhaamis loo sameeyey (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta
Xilli abaaro ba’an oo dadka iyo duunyada saamayn ku yeeshay ay ka jiraan gobolka Galgaduud ayaa maamulka deegaanka Galinsoor waxa uubilaabay in biyo dhaamis loo sameeyo tuulooyinka ku hareeraysay magaaladaas, halkaas oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah oo soo gaari waayay meelaha biyaha leh.
Xoolaha ayaa u dhimanaya harraad iyo gaajo, waxaana qalalay barkadihii biyaha, iyadoo booyadana inta ay biyaha shubayaan la dhamaysanayo.
Dadka magaalada ayaa xitaa waxaa saamaysay abaarta, waxaana hoos u dhacay socodka gacansiga maadaama dadkii wax iibsan jiray abaartu dhaqaalohooda hoos u dhigtay, sida ay inoo sheegtay Faadumo Jaamac Cabdulle oo ah gudoomiyaha ururka Haweenka Galinsoor.
Gudoomiyaha Maamulka deegaanka Galinsoor Cali Siciid Indhakorey ayaa codsaday in gurmad bini’aadanimo loo sameeyo dadka abaartu xoolaha ka laysay, laguna gacansiiyo hawlaha samafalka ee ay bilaabeen.
dsc00773 dsc00774 dsc00775 dsc00777 dsc00778 dsc00779 dsc00780 dsc00781 dsc00783 dsc00784 dsc00785 dsc00786 dsc00787 dsc00788 dsc00789 dsc00790 dsc00792