Orodyahan Maxamed Daauud oo maanta ordaya (Ogow waqtiga)

Ciyaaraha

Moha

Orodyahanka Maxamed Daa’uud Maxamed oo Dalka Somaliya uga qeybgalaya tartanka Olombikada ee Ciyaaraha fudud ee ka socda Magaalada Rio de Jeneria ee Wadanka Brazil ayaa lagu wadaa inuu maanta ka qeybgalo tartanka ororka 5000, ee mitir.

Maxamed Daa’uud ayaa Dalka Somaliya u matalaya ka qeybqaadashada Tartanka ciyaaraha fudud, gaar ahaan 5000 mitir,iyadoo gabadhii Maryan Nuux Muuse ay gashay kaalinta ugu dambaysa tartankaasi.

Waxaa la daawan doonaa orodka Maxamed Daa’uud saacadda Rio markey tahay 9:05 subaxnimo oo ku beegan 4:05 galabnimo Waqtiga Geeska Afrika. Maxamed ayaan rajeynaynaa in uu Dalka iyo dadkaba guul u soo hooyo, islmarkaana uu noqdo halyeeygii Cabdi Bile Cabdi oo guulo muhiim ah ka gaaray sanadihii siddeedtameeyadii Ciyaaraha Fudud ee Caalamka.

5 thoughts on “Orodyahan Maxamed Daauud oo maanta ordaya (Ogow waqtiga)

Comments are closed.