Kalfadhiga 4aad ee Barlamaanka Soomaaliya oo furmaya

Wararka Maanta

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Beri Subax furmi doono kulanka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare). furitaanka kalfadhigan ayaa ka dhici doona xarunta Jeneral Kaahiye 9:00 Subaxnimo.

Golaha Shacabka ayaa sidii xilka looga qaaday Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa hoos u dhacay howlihii uu qaban jiray, waxaana hoggaanka Golaha gacanta ku dhigay xukuumadda Kheyre, sidoo kale Xildhibaanada mucaaradka ayaa abaabul badan ka wada magaalada Muqdisho.

Kalfadhigaan ayaa furmaya iyadoo Madaxweynihii hore Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, isagoo ka wada halkaas wadashi iyo abaabul siyaasadeed.