(Sawirro)Madaxwayne Farmaajo oo ka qayb Shirka Ganacsiga Africa.

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka Ganacsiga Afrika, oo ka dhacay magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar, kaasoo ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ganacsiga ee ka jira qaaradda Afrika, maalgashiga iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga yar yar ee ka jira Qaaradda.

Shirka oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ganacsato caan ka ah Qaaradda Afrika iyo Caalamka.

Madaxdii ka hadashay shirka ayaa ku dheeraaday kheyraadka ay leedahay Afrika iyo sida lagama maarmaan u tahay in xilligan maalgashi lagu sameeyo.

Wasiirka Arimaha Dibadda Xukumadda Somalia Amb Yusuf Garad Cumar oo Hadalkii Wafdiga Dowladda Somalia ee Shirka ayaa aad ugu dheeraaday Kheyraadka Soomaaliya iyo sida ay Muhiim ugu tahay Ganacsiga Africa inteeda kale.

Hook ka Daawo Sawirrada