Dawladda Itoobiya Oo Qunsulkeedii Kala Baxday Soomaaliland

Wararka Maanta

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay iyada oo arrintaasi aan ilaa hadda si rasmi ah loo sababeyn.

Bereha Tesfay ayaa shalay diyaarad ku wa rayidka ah shalay ka raacay Magaalada Hargeysa,waxaan uu ku laabtay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Arrintan ayey dad badan u arkeen in ay billow u tahay diblmaasiyad kala noqoshada Itoobiya ee Somaliland.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo lagu magacaabo Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan ayaa sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan.

Dadka falanqeeya Isbeddelka uu wado Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay u badan tahay in Itoobiya ay xafiiskeedii diblomaasiyadeed ee sida dadban u shaqeynayay kala noqotay Somaliland.

Qodobo ka soo baxay shir dhawana lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Baxardaar ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mid aha ain Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan midnimada dhuleed iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Haddii sidaas uu ku istaago xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ayey qubarrada falanqeeya diblomaasiyadda sheegayaan in Somaliland ay dhabar jab ku tahay taas oo 27kii Sano ee la soo dhaafay raadineysay aqoonsi Caalami ah.

Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaan isaguna fiicneyn kaddib markii ay Somaliland heshiis la gashay Sharikadda DPWorld ee lagu wareejiyay Berbera taas oo ay Jabuuti u aragtay tartan dhinaca dekadaha ah,waxaana ay ruqsaddii kala noqotay DPWorl oo maamuleysay Dekadda Dooraale ee Jabuuti.

Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen.