Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Madasha Qaranka

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran.  Shirkan ayaa ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Magaalada Muqdisho, waxaana Madaxdu ku gorfeynayaan Sidii loo dhameyn lahaa kala aragti duwanaanshaha  Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, Guluf dagaalka oo ka dhanka ah ururka Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS  Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay: “Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, , Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay cakirneed wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada, waxaana arinta ugu muhiimsan ee la isku khilaafsan yahay ay tahay aragtida Soomaaliya ka qaadaneyso khilaafka wadamada Khaliijka, waxaana arintaas ka dhashay in Madaxda Dowladda dhexe ay galaan dagaal ay xilka uga tuurayaan Madaxda Maamul goboleedyada. dhanka kale Maamulada ayaa sameystay isgaashaanbuuraysi ay kaga hortagayaan dagaalkaas.