Taliyayaashii NISA iyo Booliska oo xilkii laga qaaday

Wararka Maanta

Golaha Wasiirada Soomaaliya  ayaa maanta shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, shirkaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow , Wasiirka ayaa ka hadlay dhacdadii qaraxii Isgoyska Zoobe ee 14 October iyo kii xalay lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaaraya ilaa 5 qofood oo ay ku jiraan darawalkii gaariga Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isaga isa soo dhiibay oo ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyey tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirada ka codsaday in xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaadeen Taliyaha Booliiska C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilalkooda sii haye looga dhigay Kuxigeenadooda, inta laga soo magacaabayo Taliyeyaal cusub.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii labo todobaad gudahood uu magaalada Muqdisho ka dhacay labo weerar oo dad badan lagu laayay, iyadoo kii ugu dambeeyay xalay lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2.

Sanbaloolshe iyo Saacid ayaa la magacaabay 6 April 2017, iyadoo xilka laga qaaday 29 October 2017,  Xil ka qaadistan ayaa ka dhigan in Madaxda dowladda ay qaadeen tallaabooyinkii laga filayay ee ahaa in wixii ka dhacay magaalada Muqdisho ay mas’uuliyadeeda cid qaadaan, isla markaana lagula xisaabtamo laamaha ammaanka.