Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Eden Hazard ayaa diiday inuu kooxdiisa aysan ku jirin tartanka horyaalka Premier League ka dib guushoodii 1-0 ee ay ka gaareen Bournemouth ciyaar ka dhacday garoonka Vitality Stadium.
Hazard ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, iyadoo kooxda horyaalka heysata ay ku soo laabatay kaalinta 4aad ee horyaalka, inkastoo ay sagaal dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Manchester City, kuwaasoo labo dhibcood kaliya dhumiyay 10 kulan oo ay ciyaareen.
Guushii Chelsea ee ku timid xeebta koonfureed ayaa sidoo kale u muuqatay inay shabaqa ilaashadeen 7dii kulan ee ugu danbeysay, Hazard ayaana ka hadlay sida ay muhim u tahay daafacooda iyo goolhaye Thibaut Courtois.
“Waxa uu ahaa gool aad uwanaagsan, sidoo kale waa muhiim sidoo kale marka aad ciyaareyso noocan oo kale ah waxaad u baahan tahay inaad ku guuleysato, waxaan abuuray fursado badan … ma aanan dhalin, taasi waa dhibaatada, laakiin waxaan heysanaa seddex dhibcood waa in aan dhaqaaqnaa, “ayuu u sheegay wariyeyaasha.
“Waxaan u maleynayaa Thibaut inuu u baahan yahay natiijada kalsoonida, laakiin waxaan qabaa in kooxdiisu ay u qalantay tan, si fiican ayaan u difaacnay, sidoo kale anigana si fiican ayaan u ciyaarnay.
“Xilli ciyaareedku waa waqti dheer, marna ma ogaan kartid waxa dhici kara, waa ay sarreeyaan oo ay si fiican u ciyaaraan goolal badan, laakiin waxaan heysanaa kulamo badan oo aan ciyaarno, waxaan arki doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”
Hazard ayaa dhaliyay shan gool shan kulan oo Premier League uu ka horyimid Bournemouth.