Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia Oo Sheegtay Inay Khatar Ku Jirto Nolosheedu

Wararka Maanta

Shayma Maxamed oo ah Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi sy siisay Shabakadda Wararka ee Tuko.com ee laga leeyahay dalka Kenya, waxayna xustay inay hanjabadaasi ka dambeysay, kadib, markii ay Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA u gudbisay Cabasho ka dhan ah Xiriirka K/Cagta ee Somalia.

Waxay sheegtay in hanjabaadyo loo soo diray ku khasabtay inay ka soo cararto magaalladda Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed waxay bishii hore u gudbisay FIFA in baaritaan lagu sameeyo dhaqaale loogu talagalay Gabdhaha K/Cagta oo ay FIFA u soo direen Xiriirka K/Cagta Somalia, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay FIFA ugu baaqday in tallaabo laga qaado Saraakiisha ku lugta leh lacagaha la is-daba mariyey ee ay FIFA u soo dirtay Horumarinta Mashaariicda Gabdhaha K/Cagta ee Somalia.

Sidoo kale, waxay sheegtay inay Xiriirka K/cagta Somalia wadaan qorshe ay iyada kaga qaadi rabaan Xilkaasi, iyadoo aan dhamaysanin Xilli-hawleedkeeda uu Sharciga u oggol yahay oo dhan muddo 6-sanno ah.

Dhinaca kale, Xiriir kasta oo Heer Qaran ah waxaa loo oggolaaday lacag ka timaada Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA oo loogu talagalay Haweenka K/cagta ee dal kasta, taasi o odhan 100,000 ilaa 500,000 oo Dollar, oo ah kharajka hawlgalladda ee ay adeegsadaan Haweenka K/cagta.

Waxaa kaloo Lacagahaasi u sii dheer  kharaj loogu talagalay  Safarada ay Haweenka K/Cagta kaga qeyb galayaan Taratamadda Caalamiga iyo Mashaariicda Khaaska u ah Adeegyadda Sport-ga ee Haweenka K/Cagta.

Saraakiisha FIFA oo mar sii horeysay la hadlay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London u sheegeen inay heleen Cabashadaasi, isla markaana ay Guddi u saari doonaan si ay Madaxda Xiriirka K/Cagta Somalia kala hadlaan arrintaasi, marka ay ku wada kulmaan magaalladda Addis Abeba.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed cabashadaasi la wadaagto Warbaahinta, waxayna horey Wareysi dheer siisay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxxa London.