Beesha Caalamka oo ka hadashay go’aankii gudiga doorashooyinka dalka

Wararka Maanta

War Qoraal ah oo kasoo baxay xubnaha daneeyo arimaha Soomaaliya ayaa looga hadlay dib u dhaca kooban ee markale ku yimid doorashooyinka dalka, waxaana qoraalka uu u qornaa sida tan:-

Beesha Caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Dib u dhac kale uusan ku imaan doonin Doorashooyinka sanadkan 2016-ka la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Boqortooyada Engriiska, iyo Mareynkanka ayaa lagu sheegay in ay markale uusan dib u dhac ku imaan doonin Doorashada Soomaaliya, oo Bisha November ee soo socota aysan ka dib mari doonin.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in Doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynahaay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa horey u sheegay in ay bixiyeen Boqolkiiba Lixdan lacagta ku bixi laheyd Doorashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale codsaday in Doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

Soomaaliya waxa ay galaysaa waqti kala guur ah waxaana lagu wadaa in dalka ay ka dhacaan Doorashooyin Bilaha October iyo November.

Guoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Doorashada Aqalka Sare in ay dhici doonto 5-ta October, Mid Baarlamaankana ay dhici doonto 10-ka ilaa iyo 23-ka November, mida Labada Aqalna ay dhici doonto 23-ka November iyo mida ugu dambeysa oo ah tan Madaxweynaha waxay dhici doontaa 30-ka November.

Comments are closed.