Madaxtooyada Soomaaliya oo sikulul kaga jawaabtay hadalkii Cumar Cabdirashiid

Wararka Maanta

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadal uu shalay ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kula kulmayay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland, waxaana uu u sheegay in dalka uu u baahan yahay is bedel dhinaca hoggaanka ah.

Hadalkan ayaa ahaa fariin culus oo ku socday Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale rajo qaba inuu xilka dib ugu soo laabto, waxaana uu banaanka u soo saaray loolanka u dhaxeeya.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku tilmaamay hadalkaas mid aan loo baahneyn oo ka fog anshaxa doorashooyinka isla markaasna uu ka leeyahay dano gaar ah.

“Waxaa wanaagsan inuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid,  ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu u hayo dalka ee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu  ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo sii hadlayay ayaa yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu mudan yahay in lagu aammaano difaacida  dananaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diidmada faragelinta tooska ah ee  shisheeyaha, Madaxweynu mar walba waa ka go’an tahay illaalinta xaduudaha dalka ee dhanka badda Iyo bariga” ayuu yiri  Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Hadalkan jawaabta ee ka soo baxay Madaxtooyada ayaa muujinaya heerka uu gaaray loolanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo labaduba ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha.

Cumar C/rashiid ayaa olole xooggan ka wada xarumaha maamul goboleedyada, isagoo taageero ka raadinaya Xildhibaanada laga soo doortay, waxaa la rumeysan yahay inuu taageero dhaqaale ka helayo Imaaraadka Carabta oo la sheego inuu u yahay xulashada koowaad shaqsiyaadka ay la rabto inay hoggaanka dalka qabtaan.