Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca Drone-ka ah kusoo dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Diyaarada oo aan la ogeyn wadanka laga leeyahay ayaa sida dadka deegaanka ay sheegeen waxay ku dhaday duleedka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaar kamid ah dadka deegaanka Bariire ayaa sheegay in diyaarada ku dhacday dhul beereed ku yaala deegaanka, waxaana loo maleynayaa in laga leeyahay dalka Mareykanka.
Al-shabaab ayaa sheegay in diyaaradaasi gacanta ku dhigeen markii dhulka kusoo dhacday, waxaana warbaahinta Alshabaab laga sheegay in diyaarada laga leeyahay Mareykanka.
Waxaana warbaahinta Alshabaab laga sheegay in dhawaan warbaahinta iyo dadweynaha loosoo bandhigi doono diyaaradaasi.
Dhowr jeer ayaa Alshabaab waxay soobandhigeen diyaarad Drone ah oo ku dhacday gobolka Shabeelaha Hoose.