CabdiSaabir Nuur Shuuriye oo ku guuleystay Kursiga Saleebaan/Heysow

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow kusoo gabangaboobay magaalada Cadaado doorashada kursiga 30-aad Beesha Saleebaan/Heysow, waxaana u sharaxnaa musharixiinta kala ah:

  1. CabdiSaabir Nuur Shuuriye
  2. Cabdulqaadir Cali Cumar
  3. Cali Sheekhdoon Cabdi

Waxaana ku guuleystay Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo helay 45 cod, Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar goobta wuu ka maqnaa, Cali Sheelhdoon Cabdi waa tanaasulay.

Kursigan ayaa noqonayaa kursigii ugu dambeeyey ee Beesha Saleebaan, ilaa 6 kursiga ayaa ka harsan doorashada Aqalka Hoose Qeybta Galmudug.

20161202_12480720161202_12000020161202_114340