Maamulka Gobolka Banaadir oo mamnuucay dukumentiyada been abuurka ee loo yaqaano Cabdalla Shideeye

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay inuu mamnuucay dukumentiyada been abuurka ah ee loo yaqaano Cabdalla Shideeye ee ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada iyo Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo wariyeyaasha kula hadlayay Suuqa Bakaaraha oo maanta ciidamada ammaanka howl gallo ka sameeyeen ayaa sheegay in gebi ahaanba la mamnuucay dukumentiyada been abuurka ee lagu sameeyo Cabdalla Shideeye.

Waxaa uu uga digay dadka ku shaqeysta been abuurka Cabdalla Shideeye inay sii wadaan howlaha sharci darada ah ee ay hayaan, waxaana uu xusay in cidii ay ku qabtaan ay ka qaati doonaan tallaabo sharci ah.

“Waxaa uga digeynaa dadka ku howlan shaqada been abuur ee Cabdalla Shideeye, in maanta wixii ka dmabeeya aan la tiigsan doono sharciga, hadii ay sii wadaan howlahan sharci darada ah”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Hey’adaha ammaanka ay il gaar ah ku heyn doonaan dadka ku howlan been abuurka Cabdalla Shideeye, isla markaana wixii hada ka dambeeya loo soo jeesan doono, tallaabo cadna laga qaadi doono.

Tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ayaa dadka waxyaabaha ay u baahan yihiin ee dukumentiyada sida waraaqaha dhalashada, shahaadooyinka, baasaboorada waxay ahaayeen kuwo lagu sameynayay Suuqa Cabdalla Shideeye oo sidoo kale laga helo saxiix walba oo Mas’uul horay xilal u soo qabtay

Comments are closed.