Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ku yaal dhanka bari ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Dagaalka oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay markii kooxo hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Puntland ku lahaayeen koofur bari Gaalkacyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in gaadiid dagaal ku gubeen.

Ugu yaraan 14 ruux ayaa la sheegay in dagaalka ku dhinteen, iyadoo uu soo baxay warar kale oo sheegaya in dagaalka halkaas ka dhacay uu ahaa mid u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeyn ay geysatay diyaarad dagaal, inkastoo wararkan ay yihiin kuwo isa soo taraya.

Warbaahinta maxaliga ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay koofur bari magaalada Gaalkacyo uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Comments are closed.