Shirka Isdhex-galka Ganacsiga Soomaaliya & Finland oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Wararka Maanta

Shirweynahaan Qaran ee  isdhaxgalka ganacsiga oo u dhaxeeya ganacsatada Dalalka Soomaaliya iyo Finland ayaa daba socday mid kan ka horeeyay, kaasi oo lagu qabtay magaalada Helsinki  ee dalka Finland, waxaana hogaaminayey Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha XFS oo ay wehlinayeen Wasaaraddaha Qorsheynta iyo Maaliyadda.

Shir weynahaan Qaran ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 14 shirkadood oo ka socday dalka finland iyo kuwa kale oo matalayey Soomaaliya, waxaana Shirkaan inta badan diirada lagu saari doonaa muddo laba maalin ah ee uu socon doonon ganacsiga Tignoolajiyadda sida korontada , beeraha iyo caafimadka oo qeyb ka ah waxyaabaha dalkeena  baahida weyn uu u qabo, sidoo kale waxaa soo saarka dalka ayaa qeyb ka ah Waxyaabaha laga hadli doono.

Mudane Yuusuf Maxamed  oo kamid ah Ganacsatada Shirkaan ka qeyb galay ayaa sheegay in sawirkii ay ka heysteen Soomaaliya uu yahay mid ka duwan, islamrkaana nabada ka jirta Soomaaliya ay tahay mid lagu dhiso karo isdhaxgal ay sameyn karaan ganacsatada Soomaalida iyo Finland.

Wasiirka Qorsheynta iyo Hormarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay albaabada u fureyso shirkadaha Ganacsiga ee Dalka Maalgashanayo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay xoogga saareyso siddii Suuq loogu heli lahaa Wax soosaarka dalka.

Suuq geynta Awoodda dhaqaallaha ee Soomaaliya ayaa Muhiim u ah Horumarka dalka uu ku talaabsaday, si uu wax ula qeybsado  Shirkadaha waa weyn ee Dunida.

Isha: Sonna