M. Xaashi iyo Cali Gacal oo u ambabaxay Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo tiro xildhibaano ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Madaxdan ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado, waxaana Madaxweyne ku xigeenka oo taleefanka kula hadalnay inoo sheegay in ujeedada safarkoodu yahay ka qeyb gal wadahadal ay dowladda federaalka ah ugu yeertay Madaxda Sare ee Galmudug.

Horey waxaa magaalada Muqdisho u tagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, waxaana la filayaa in dhawaan halkaas uga wadahadal uga furmada Madaxda Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa dhawaanahan ku kala sugnaa Cadaado iyo Dusmareeb, iyagoo isku khilaafay habka loo fuliyey heshiiskii lala galay Ahlu Sunna.