Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xooga saaraya xalinta khilaafka Gal-Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu soo waramaya inuu bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Gal-Mudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labbaad.

Gal-Mudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda sare ee maamulka. Khilaafka taagan ayaa ka dhashay qaabkii loo fuliyay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna, iyadoo madaxweyne kuxigeenka Gal-Mudug iyo gudoomiyaha Baarlamanku ay sheegeen in la baalmaray awood qeybsigii beelaha iyo in la badalay dastuurkii maamulka Gal-Mudug.

Wasiir Sabriye oo BAYDHABO ku sugan ayaa la sheegay inuu kulan qaas ah la qaatay madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir oo iyaguna halkaa ku sugan, isagoo u bandhigay in Gal-Mudug ay u baahan tahay isu tanaasul iyo is qancin si meesha ay joogto horey looga qaado. Wuxuu labbada nin u jeediyay in Dowlada dhexe ay xooga saari doonto midnimada Gal-Mudug.

Ilo ku dhow dhow wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sidoo kale uu wasiirku teleefoonka kula hadlay madaxda Gal-Mudug ee gadoodka ku joogta magaalada Cadaado isagoo u sheegay in jiritaanka Gal-Mudug oo mid ah, ay muhiim u tahay nidaamka Federaalka iyo midka doorashooyinka 2020ka.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa labbada dhinac ka codsaday iney joojiyaan hadalada ay warbaahinta isu marinayaan taas oo dhaawaceysa qorshaha xal u raadinta xiisada ka taagan Gal-Mudug, wuxuuna kula dar daarmay iney eegaan masuuliyada ka saaran dadka iyo deegaanka.

Bulshada reer Gal-Mudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday ee madaxda sare, kaas oo dib u dhigay howlihii iyo horey u socodkii maamulka.

Waxaa Qoray- Abdullahi Osman Farah
raafac22@gmail.com