Daawo Video:Turkish Ailines oo ku degi la’ garoonka Aadan Cadde

Wararka Maanta

Maxamed Shaakir oo ka mid ahaa rakaabkii la socday diyaarada ayaa bartiisa Facebook soo dhigay diyaarada oo dhanka badda ka timid, ayna damacsaneyd inay ku degto dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,

Waxaa uu sheegay in maalintii labaad oo is xiga ay diyaarada Turkish Airlines ka degi weyday garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana isaga iyo rakaab la socday diyaaradaas oo gaaraya 400 ruux ay ku sugan yihiin magaalada Mombasa, ee dalka Kenya.

Maxamed Shaakir ayaa sheegay in maanta oo Axad ah ay rajo ka qabaan inay dib ugu noqdaan Muqdisho, ayna ka degaan garoonka Muqdisho.

Waxaa uu xusay in Sheekh Axmed Nuur Jimcaale oo ka mid ah aas aasayaasha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud uu diyaarad u kireeyay dadkii maatida ahaa, oo isugu jiray carruur, dumar, waayeel iyo dadka baahiyaha gaarka qaba.

Saraakiisha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in diyaarada Turkish Airlines ay u degi weyday dabeylo jira awgeed, isla markaana ay diyaarada ogoshahay kaliya inay ku degto dabeyl u cayiman, sidoo kale waxaa ka mamnuuc ah in diyaarada ay dusha sare magaalada marto, si ay uga degto garoonka, sidaas darteedna ay dhanka badda ka timid, kuna degi weyday garoonka, dabeylo dhanka badda ka imaanayay darteed oo diyaarada xamili weyday inay ka hor-tagto, taasna ay sababtay inay degi weydo.

Halkan hoose ka daawo Muuqaal uu duubay Maxamed Shaakir oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.