Barlamaanka Galmudug oo ansixiyey in Cadaado noqoto Xarunta Barlamaanka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Barlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ku yeeshay kalfadhiga 7aad fadhigiisa 2aad, waxaana soo xaadiray 46 xildhibaan, waxaana shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Ajendaha fadhiga ayaa ahaa ansixinta wareegtadii horey ay u soo saaren Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo aheyd in Magalaada Cadaado noqoto xarunta Barlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyey in Magaalada Cadaado noqoto xarunta Barlamaanka Galmudug, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqay natiijada Codbixinta. isagoo sheegay in 46 xildhibaan ogolaadeen in magaalada Cadaado noqoto xarunta Barlamaanka Galmudug, mana jirin xildhibaan ka aamusay ama diiday.

Dhanka Banaanabax arintaas lagu taageerayo ayaa ka dhacay afaafka xarunta ay ku shirayeen xildhibaanada Galmudug. waxaana dadweynaha isku soo baxay la hadlay gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug. iyagoo ka mahad celiyey taageerada bulshada.