Haweeneeydii Kenyaanka aheyd Loise Njoki ayaa mar kale dib ula midoowday Qoyskeedii, kadib markii muddo laba sano ah ay koox burcad badeed ahi ku haysteen Bartamaha Soomaaliya.
Mrs Loise Njoki ayaa farxad la ooyday kadib markii ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee Wilsan ee Magaalada Nairobi ku aragtay xubno ka tirsan Qoyskeeda oo ay ka mid aheyd Gabadheeda, iyadoo sheegtay in ay maanta aad u faraxsan tahay, maadamaama ay mar kale qoyskeeda la noolaaneeyso.
Haweeneeydaasi ayaa waxaa xoog ku soo furtay Ciidamada Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, qeybtooda ku sugan Maamulka Galmudug, waxaana lagu haystay muddo ka badan laba sanadood deegaanno ka tirsan Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Comments are closed.