Ciidamo taabacsan Axmed Madoobe oo la wareegay Amaanka Kismaayo

Wararka Maanta

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland oo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta la wareegay guud ahaan Amniga magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa hay’adaha amniga maamulkaas ay sheegeen inay amaanka si weyn u xaqiijin doonaan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa saaka lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo & Xaafadaha qaar,sidoo kale waxaa ciidamadan ay la wareegeen ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Dhowaan ayaa maamulka Axmed Madoobe waxa ay ka mamnuuceen magaalada Kismaayo mas’uuliyiin ka socota dowlada federelka.

Xigasho: Jowhar News