Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii duleedka Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dagaal culus maanta ka dhacay deegaanada Miirdugul iyo Bulacle oo koofur-bari uga beegan magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo Ururka Alshabaab, waxaana ciidanka Dowladdu ka sheegteen in ay guul ka gaareen dagaalkaas.

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa waxaa qaaday ciidamada Dowladda oo isugu jira CiidankaQeybta 21aad Xoogga Dalka iyo ciidanka NISA, waxaana maanta galinkii hore dagaalku ka dhacay deegaan Miirdugul oo ahaa difaaca 1aad ee Alshabaab, halkaas oo ay Alshabaab miino ku qarxiyeen gaari ciidanka Dowladda, inkastoo ugu dambeyn ciidanka Dowladu ay qabsadeen halkaasi.

Sidoo kale Dagaal xooganaa ayaa galinkii dambe ee maanta labada ciidan ku dhexmaray dooxada Bulacle, oo qiyaastii 28 km u jirta Dhuusamareeb, halkaas oo aheyd difaaca labaad ee Alshabaab.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ammaan, ciidanka Dowladda ayaa waxaa dagaalka ugu geeriyooday 1 Askari, halka 6 kale ay ka dhaawacmeen, dhanka kale Alshabaab ayaa goobta dagaalka uga cararay meydka 9 Askari iyo hub farabadan, waxaana goobta la wareegay ciidanka Dowladda

Labada ciidan ayay suurtagal tahay in dagaalo kale dhexmaraan maadaama aysan ku sugan yihiin goobo aan sidaas u kala fogeyn. Ururka Alshabaab ayaa muddooyinkan difaacyo ka sameystay deegaanada u dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.