Leonardo Jardim Oo Bartilmaameed U Ah Kooxda Paris Saint-Germain

Ciyaaraha

Macalinka Monaco Leonardo Jardim ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay bartilmaameed macalinka kooxda Paris Saint-Germain.

Tababaraha haatan Unai Emery ayaa ku guuldareystay inuu si buuxda uga dhaadhiciyo awoodda uu ku ciyaari karo Parc des Princes inuu yahay ninka hogaaminaya kooxda tan iyo markii uu u dhaqaaqay Faransiiska xagaaga 2016.

Sida laga soo xigtay TOP Mercato, Agaasimaha Isboortiga Antero Henrique ayaa la yaabay Jardim kulankii Stade Louis II, iyadoo Monte Carlo ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Monaco waxay haatan seddex dhibcood ka dambeysaa PSG, lakiin waxa ay la soo wareegtay xidigihii Monaco oo qeyb ka ahaa guulahoodii xagaagii lasoo dhaafay.

Emery ayaa dhawaan ku hogaamiyay PSG inay 3-0 kaga badiso Bayern Munich tartanka Champions League, waxaana la soo jeediyay in kaliya guulo ay ka gaarto tartamada yurub ee Champions League inay ku filan tahay inay Emery ku sii jiro shaqada kooxda.

45 jirkaan reer Spain ayaa badiyay 51 ka mid ah 67 kulan oo uu hogaamiyay kooxda PSG.

W/Q Hafsa haji