Alexis Sanchez Oo Ku Dhaawacmay Tababarka Xulka Chile

Ciyaaraha

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac ka soo gaaray canqowga  ka hor kulanka Chile ay la leeyihiin Bolivia Talaadada.

28 jirkaan ayaa seegay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Gunners ‘Premier League xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac muruqa ah oo soo gaaray.

Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuusan sii joogi doonin garoonka Emirates Stadium ka dib markii uu  Manchester City  ku guul darreysto inuu ku biirociyaaro, waxaa u sii dheeraa dhaawacyo taasoo keentay in laga cabsi qabo inuu u ciyaaro xulkiisa Chile.

wargeyska El Mercurio ayaa ku soo  warramayay in ciyaartoygii hore ee Barcelona uu ka soo baxay tababarka islamarkaana uu shaki ku jiro kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Bolivia.

Tababaraha da’da yar ee Chile ayaa ku dhaleeceeyay Sanchez inuu miisaankiisa kordhay, ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed hoose ee Paraguay isbuucii hore.

W/Q Hafsa Haji