Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray halkii ugu sareeyey, waxaana fashilmay wadahadaladii uga socday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, waxaana safarkiisa ku wehliyey Saadaq Sheekh Yuusuf wakiilka Ahlu Sunna. Waxaana la filayaa in dhawaan Madaxweyne Xaaf ku dhawaaqi doono golaha Wasiirada cusub.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi , Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo tiro xildhibaabo Galmmudug ayaa beri imaanaya magaalada Cadaado.
Dhanka kale Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado ayaa waxaa caawa ka socda shirar looga arinsanayo wafdiga beri tagaya Cadaado. Dowladda Federaalka ah ayaa ku guul dareysatay in ay xaliso khilaafka Madax Sare Galmudug kadib markii Madaxweyne Xaaf ka biyo Qodobadii ay wateen garabka kasoo horjeeda.
Arintaan ayaa waxaa Fursad u arka cid kasto oo kasoo horjeeda Xaaf, oo awoodooda isugu geyn doona Cadaado, iyagoo ay suurtagal tahay in xildhibaanada Galmudug ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Xaaf, sidoo kale garabka Dusmareeb ayey suurtagal tahay in ay Maxamed Xaashi iyo Cali gacal xilka ka qaadaan.
Dadka siyaasada falanqeeya ayaa tilmaamaya in haddii aan xal loo helin ay khilaafkan ay dhismi doonaan laba garab oo Galmudug ah, oo laba Madaxweyne kala leh, kuwaas oo kala saldhigan doono Cadaado iyo Dusmareeb. Dowladda Federaalka ayaa suurtagal tahay in laba dhinac mid taageerto.