Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 6-aad

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Cutubka 6aad.

Qodobada Xilliga Kalaguurka iyo Dhaqangalinta Dastuurka DGGM.

Qodobka 83aad .

Ansaxinta iyo Wax-ka-baddalka Dastuurka DGGM.

Golaha Xeer-dejinta ayaa awood u leh wax-ka-baddelka Dastuurka.

a) Wax-ka-baddalka Qodobada ku xusan Cutubyada Kowaad iyo Labaad, waxay u baahnayahiin afti dadweyne.

b) Wax-ka-baddalka Qodobada kale ee Dastuurka waxaa soo jeedin kara afar meelood meel Golaha Xeer-dejinta, waxaana lagu ansixinaya cod hal-dheeri ah (50%+1) ee xubnaha Golaha Xeer-dejinta ee DGGM, marka laga reebo qodobada ku xusan Xarafka (a) ee isla Qodobkaan.

c) Wax-ka-baddalka Qodobada Dastuurka ee Golaha Xeer-dejinta DGGM uu ku sameyo sida ku xusan isla Qodobkaan, waxaa loogu dhaqmayaa si-ku-meel-gaar ah inta Dastuurka afti dadweyne lagu ansaxinayo.

Qodobka 84aad:.

Dhaqangelinta Heshiiska Maamulladii DGGM iyo DGGD.

1) Heshiiskii Maamulladii DGGM iyo Dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe (DGGD) ay ku midoobeen ee ka dhacay Muqdishu muddadii u dhaxeysay 27 Nofember – 6 Disember 2017 waxuu qorayaa sida ku cad Lifaaqa B.

2) Ilaa la gaarayo xilliga doorasha dambe ee Golaha Xeer-dejinta iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka DGGM, waxaa sí kumeel-gaar ah loo laalay Qodobka 33aad (2), Qodobka 51aad (2) Qodobka 57aad (1 xarafkiisa b iyo 3 ) ee Dastuurka DGGM, wixii aan la socon karin Heshiiska labadii maamul ee midoobay.

3) Waxaa jiraya Madaxa xukuumadda DGGM xilliga kala-guurka oo xilkiisa kamid yahiin sida soo socota:

a. Madaxa Xukuumadda DGGM.

b. Horgeynta Golaha Xeer-dejinta xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni;

c. Wuxuu Madaxweynahu kala tashadaa magacaabidda iyo xilka qaadidda xubnaha Golaha Wasiirada.

d. Guddoominta fadhiyada golaha wasiirada.

e. Waxuu masuul ka yahay howlgalinta Golaha Wasiirada.

f. Waxuu warbixin ka siiyaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka habsami u socodka howlaha Golaha Wasiirada.

g. Madaxa xukuumada waxaa xilka looga qaadi karaa cod hal dheeri ah ( 50+1 ) waxaana badalkiisa soo magacaabanaya ahlusuna waljamaaca.

4) Waxaa xilliga kala-guurka jiraya Gole Xeer-dejin oo xubnahiisu dhanyihiin labo boqol iyo kow (201) xildhibaan.

5) Muddada xilliga kala-guurku waa afar sano ( 4 ); oo ka bilaabata 26/03/2018; oo ah markii la isku daray labada baarlamaan.

Qodobka 85aad.

Dhaqangalka Dastuurka DGGM.

  1. Golaha Xeer-dejinta DGGM fadhiga ugu horeeyo waa inuu ku soo saaro soojeedin (mowshin) lagu dhaqangalinayo Dastuurka DGGM, cod aqlabiyad ahana lagu ansaxiyo.

  2. Dastuurkan wuxuu uu awood dhaqangal kama dambeys ah yeelanayaa marka afti dadweyne loo qaado cod aqlabiyad ahna loogu codeeyo.

  3. Mudada hirgalinta aftida dadweynaha ma dhaafikarto saddax (3) sano.

DHAMAAD

N.B: Waxaan dhawaan bilaabi doonaa Qormooyin aan isbarbardhig ku sameyn doono Dastuurkii Galmudug iyo Dastuurka Cusub.

Waxaa Diyaariyey : Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Guud Ceelhuur.com