Al-shabaab oo qoysas danyara lacag zako ah ugu qaybiyay Muqdisho

Wararka Maanta

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen barnaamij loogu qeybinayay lacago qoysas sabool ah oo ku nool magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Sida ay daabaceen warbaahinta taageerta Al-Shabaab qeybinta lacagtan Zakada ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Caraale.

Illaa 150 qoys ayuu Sheekh Muuse Carraale in la siiyay shan boqol oo dollar qoys walba degmo kamid ah gobolka Banaadir oo uusan magacaabin.

Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa ku eedeeyay dowlada federalka iyo ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM inay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay lacago canshuur ah ka qaadaan ganacsatada gobolka Banaadir iyo deegaano kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya iyagoo daqli badan ay ka soo gasho lacagahaas canshuurta ah.