Sawirro: Wasiiradda Caafimaadka Galmudug oo booqatay Xarumaha Caafimaadka Cabudwaaq

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiiradda Caafimaadka Galmudug Naciimo Catoosh ayaa booqatay Qaar kamid ah Xarumaha Caafimaadka degmada Cabudwaaq oo ay kujiraan Dad uu soo ritay Cudurka Shuban
Biyoodka.

Iyadoo isbitaalada magaalada Caabudwaaq ay jiifaan Dad uu soo ritay
Cudurka Shuban Biyoodka ayaa maantay waxaa booqatay Wasiiradda Caafimaadka Galmudug Naciimo Catoosh si ay ugu kuurgasho xaalada Caafimaad ee dadka uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka
Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Cibaado Nuur Xuseen Shiiq Doon ayaa uga warbixiyay bukaanada jiifa Isbitaalka.
Agaasimaha Guduud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdiwali Maxamed Axmed iyo Wasiiradda Caafimaadka ee Galmudug Naciimo Catoosh ayaa sheegay in ay wax kaqaban doonaan baahiyaha ay qabaan bukaanada uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka iyagoo lakashanaya Wasaarada Caafimaadka ee
Soomaaliya.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka jira cudurka shuban biyoodka, bukaano badan oo uu cudurkaan soo ritay ayaa jiifa isbitaalada magaalooyinka waaweyn.

received_800451466781884 received_800451590115205 received_800451656781865 received_800451703448527 received_800451763448521 received_800451830115181 received_800451856781845 received_800451886781842 received_800451936781837