Faah faahin kasoo baxaysa Nabadoono shalay lagu dilay Cabdud-waaq

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya labo Nabadoon oo lagu dilay shalay gelinkii dambe degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyo hubeysan ay weerareen Guri ay ku shirayeen waxgaradka, nabadoonada iyo haweenka mid ka mid ah beelaha dega Caabudwaaq.

Nabadoonada la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Fanax Aadan iyo Nabadoon Maxamed Barre Diini.

Wararka ayaa sheegaya in sagaal kale ay ku dhaawacmeen rasaasta lagu furay guriga ay ku shirayeen Nabadoonada, waxaana afar ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka shanta kale rag.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in arrintan ay dhaliso xiisad dagaal oo dhex marta beelo wada dega Caabudwaaq, kuwaasoo horay u kala tirsanayay aanooyin la xiriiray dilal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyada weerarka ka dambeysay horay looga dilay nin Sarkaal ahaa, waxaana horay u socotay waan waan iyo wada hadal lagu dhameynayay dilkaas.

Xaalada degmada Caabudwaaq ayaa saaka ah mid degan, iyadoo odayaal iyo nabadoono deegaanka ay ku howlan yihiin sidii xiisada ka dhalatay dilkaas loo qaboojin lahaa.

1 thought on “Faah faahin kasoo baxaysa Nabadoono shalay lagu dilay Cabdud-waaq

Comments are closed.