Jaaliyadda Galmudug oo kulan ay ku yeesheen Sweden kaga hadlay Horumarinta Caafimaadka Deegaanada Galmudug (Sawirro)

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulan ay jaaliyadda Galmudug Ku yeesheen caasimadda Sweden ee Stocklum ayaa waxa ay kaga hadleen horumarinta Caafimaadka deegaanada Galmudug

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socday jaaliyadaha UK Iyo maraykanka, iyadoo uu ka mid ahaa C/qaadir Sayid Axmed Xaaji Yuusuf gudoomiye Ku xigeenka hay’adda Hayat Foundation oo horay gobolka Galgaduud uga fulisay mashaariic adeegga Caafimaadka lagu hormarinayo.

Kulanka ayaa waxaa ka soo baxay in la dhamaystiro hawlaha adeegyada bulshada lagu dhisayo ee ka socda magaalooyinka Galinsoor iyo Cadabarwaaqo (Cadakibir) ka dibna la sameeyo sahan lagu ogaanayo meelaha ugu baahida badan dhinaca Caafimaadka si wax looga qabto. Sidaas waxaa saxaafadda u sheegay Farxaan maxamed Dhoore oo ka mid ah madaxda jaaliyadda Sweden.
received_1917865345108033 received_1917865325108035 received_1917865241774710 received_1917865211774713 received_1917865161774718 received_1917865148441386 received_1917864648441436 received_1917864565108111 received_1917864515108116 received_1917864448441456 received_1917864398441461 received_1917864345108133 received_1917864325108135