Soomaaliya: 19 Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah Ayaa La Diiwaan Geliyay

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 13 kamid ah ay rag yihiin 6-na ay haween yihiin. 11 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna Koonfur Galbeed. Tirada xaaladaha COVID-19 ee […]

Continue Reading

Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro

Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro xilliyada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Diintu si weyn u sheegtay,waxaa kaloo aad loo bayaaniyay caafimaad ahaan Dhaqaatiir aad u fara badan, haba ugu sii badnaadeene kuwa u dhashay Wadamada Muslimiinta ah, waxayna ka digayaan in cuntooyin si aad loo isticmaalin, kuwa kalena looba baahneyn xilliga […]

Continue Reading

Soonku:- waa Cibaado iyo Caafimaad

Ramadaanku waa Bil uu Allaah (SW) nagu waajib yeelay in aan Soonno, si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fara badan oo noogu dhex kaydsan, ee looma soo dajin in aan baahanno ama aan haraadno. Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garanno ujeedooyinka iyo Xikmadaha loo Sharciyeeyay Ramadaanka si Nafteena ugu raaxaysato uguna faraxdo gaaritaanka Bishaan […]

Continue Reading

Xarunta Daaweynta iyo Qalliimada Isku-furanka oo Xariga laga jaray (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur ayaa shalay xariga ka jartay Xarunta Daaweynta iyo Qaliimada Xanuunka Isku-furanka Haweenka(Fistula). Xaruntaasi ayaa laga furay Isbitaalka Guud ee Dayniile, waxaana Xaruntaasi si mutadawcnimo ha u dhisay Ganacsade ka tirsan bulshadda Degmada Dayniile, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay ku Qalabaysay in ka […]

Continue Reading

Hayat Foundation oo deeq lacageed gaarsiisay dhismaha isbitaalka Camaara

Hay’adda Hayat foundation  Ayaa deeq lacageed soo gaarsiisay dhismaha Isbitaalka Guud ee Camaara gobolka Mudug. Deeqdan lacageed oo gaareysa 4000 dollar ayaa ka timid Jaaliyadda Deegaanka ee degan dalka Mareykanka. Madaxa Hayadda Hayat foundation Safiyo Cabdulahi Barre ayaa uga mahad celisay dhamman intii ka qeyb qaadatay soo ururinta deeqda iyo intii ku soo dhaweysay Lana […]

Continue Reading

Degaanka Saddex Higlo oo laga hirgeliyay isbitaal (Sawirro)

Degaanka Saddex Higlo oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa shalay ayaa waxaa laga hirgeliyay isbitaal  si uu u daboolo baahiyaha Caafimaad ee halkaasi ka taagnaa. Munaasabaddii Xarigga lagaga jarayay isbitaal ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda […]

Continue Reading

Masar oo deeq Dawo ah ku wareejisay Soomaaliya (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  la wareegtay deeq Dawo ah oo ay soo dhiibtay Dowladda Masar. Munaasabaddii lagu wareejinayay deeqdaasi Dawada ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisha ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. C/laahi Xaasi, Danjire ku xigeenka safaarada Masar ee Soomaaliya Axmed […]

Continue Reading